Cameron oo xilka ka degaya-ka bixista UK ee Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa shaaciyay inuu is casilayo bisha Oktoobar kadib markii dadweynaha UK ay u codeeyeen inay isaga baxayaan Midowga Yurub.

160624082256_results_624_somali

Mr Cameron ayaa go’aanka is casilaaddiisa waxa uu ka jeediyay aqalkiisa Downing Street hortiisa kadib markii lagu dhawaaqay natiijada aftidii shalay ka dhacday waddanka.

Wuxuu sheegay in uu isku dayi doono in markabku aanu liicin – laakiin toddobaadyada iyo bilaha soo socda in loo baahan yahay hoggaan cusub.

Mr Cameron ayaa si weyn ugu ololeeyay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub, waxaana uu sheegay in uu ixtiraamayo go’aanka shacabka dalkiisa ee ay ku muujiyeen natiijada aftida