Falanqaynta:i Irish Times oo ka digtay khatar siyaasadeed iyo Dhaqaale oo Ireland gasho ka bixistii midowga yurub, Waxa ay u ahayd Subax madow dadka irishka ah,

brexit

saacado yar ayey wax walba is badaleen, ka bixista midowga yurub ee UK..dawladda irishka  ee dalkan ireland  waqtigeedii waxa mugdi galiyay guuldaradan timid,

 

Xaqiiqdii guuldaraddan dhacaday habeenkii xalay ahaa ee ay go,aanka Uk ku qaadatay in ay ka baxdo yurub, waxa ay  ireland ku qasbaysaa in  ay wajahado waji cusub oo cawaaqib xumadeeda  noqon doono mid gaaban,mid dhexe ama dheer,

 

Marka hore UK  iyo yurub waxa ay wajihi doonan xilli dhaqaale iyo siyaasdeed oo xun,  marka ireland la eegana waa mid si qoto dheer u samayn doonta .

 

waxa aynu eegi sida ugu dagdaga badan ee ay u samayn karto ireland marka la eego xagga dhibka soo gaadhi kara dalkani Jamhuuriyadda Ireland iyo guud ahaan dhulka irishka,

Marka hore , waxa xadka la dhigi doonaa Control Custom u dhaxeeya Jamhuuriyadda Ireland iyo UK  , laakiin taa macnaheedu maaha mid dagdaga waqti ayey qaadan doontaa,

 

ganacsigu ma istaagayo in kastoo talaabada suuqa ganacsigu uu dagdag iskii  jawaab xun uga  bixiyay ..taas oo hoos u dhac balaadhan uu ku dhacay suuqa ireland Saakaba , iyo ka UK oo sodon sano meel ayna gaadhin poundku uu gaadhay ama la odhan karaba afka ayuu ku dhuftay ..,..waa jiri doonaa isbadal dhaqaale oo xuni waanu sii socon doonaa  hadda,

 

Maamulka  Raysal wasaare  Enda Kenny ee dalka ireland muddo intee leeg ayuu jiri karaa ama termkiisu uu ahaan doonaa madama ay guuldaradani timid , dawladda ireland waa dawlada minority goverment ah waxa ay saameeyn ku yeelan kara isbadalkan sida weyn u saameeyay ireland ee ka bixista UK

 

Raysal wasaare Mr kenny waxa uu wajihi doonaa xilli adag oo aan la hubin mustaqabalka marka la eego 50kii  sano ee u danbeeyay,…saadasho ugu weyni waa dhaqaalaha Jamhuuriyadda oo si weyn mugi u gali doona  taas oo looga baahan yahay sidii uu uga badbaadin karo  iyo qolqolato ka soo koradha waqooyiga ireland,

 

 

Labada dhinac Saamayn siyaasadeed iyo dhaqaale ayey ku yeelanaysaa kuwaas oo u baahan in laga sii fikiro,waxa ay talaabaddan UK qaaday ku noqonaysaa ireland iyo aduunka xidhiidhkooda mid weyn oo wax u dhinta  siyaasadda iyo ganacsiga ,

 

Tani waxa ay u tahay guuldaro dawladda irishka oo keeni kara in dhexdeeda uu ka bilaabmo fowdo siyaasadeed,  waxa kale oo uu qolqolato sharci ku keeni karaa midowga yurub, Waxa iman kara xagjirnimo siyaasadeed midowga yurub.dhexdiisa.

 

waxa ku iman kara EU (midowga yurub) dhaqaalahiisa mid taariikhdy xusto oo nqon kara   taariikhda hoos u dhacii ugu weynaa ee abid  ku yimaad dhaqaalaha yurub (recession.)

 

Gobolka Scotland waxa uu u codeeyay ka mid ahaanshaha midowga yurub waxaanu ku dhagan yahay hadday egland ka baxdo yurub anagu waanu ku jiraynaa EU  waxaana laga yaabaa in afti kala laga qaado oo ay ku dalbanayaan in ay ka baxaan UK,

 

Waxa kale oo jirta  khatar siyaasadeed oo ku imanaaya heshiiskii geedi socodka ee waqooyiga Ireland, iyo mustaqbalka dadka irishka ah ee North ireland  . waxaana dhici  kara kala duwanaasho xagga ahdaafta ah heshiiskii good Friday la baxay ayaa Britain iyo  ireland iyo North ireland ku qasbi doona in uu burburo,

 

Tani waxa laga yaabaa in ay mustaqablka horseedo dhamaadka midowga yurub ayey qabaan dad badani,